[Muqdisho – RNN Somali TV – May 2025]
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo inuu Madasha Wadatashiga Qaran ugu beddelo xisbi siyaasadeed oo gaar ah, taasoo uu ku sheegay in ay khatar ku tahay midnimada, xasilloonida, iyo dowlad-dhiska dalka.
Farmaajo ayaa sheegay in qorshahan uu xagal-daacinayo geedi-socodkii dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, islamarkaana uu abuuri karo doorasho hal dhinac ah, iyadoo la adeegsanayo guddi doorasho aan sharciyad lahayn, oo aan loo marin habraacyadii dastuuriga ahaa iyo heshiisyadii hore.
“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan ugu yeerayaa in muddada yar ee uga hartay xilkiisa uusan dalka gelin xaalad qasan, balse diiradda saaro howlihii qaran ee looga fadhiyay sida la dagaallanka argagixisada, dib u heshisiinta, iyo qabashada gogosha Wadatashiga Qaran,” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale baaq u diray madaxda dawlad goboleedyada ka qeyb galaya shirarka Villa Somalia, oo ay ku jiraan Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, isagoo ugu baaqay inay ka digtoonaadaan ka mid noqoshada hannaan siyaasadeed aan sharciyad lagu dhisin, taasoo uu ku tilmaamay mid khatar galin karta masiirka dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
