Madaxweyne Cali Guudlaawe oo tababar u soo xiray ciidamo cusub oo mid noqonaya daraawiishta Hir-shabelle

0
62

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta u soo gunaanuday tababar muddo dheer u socday dufcadii 2-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle kuwaas oo qeyb ka noqonayo Booliiska Hirshabeelle.

Munaasabadda tababarka lagusoo gabogabeynayey waxa kale oo goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle.

“Adkeysi iyo dulqaad ayaad muujiseen muddadii tababarka, waxaa la joogaa waqtigii aad xaqiijin laheydeen amniga guud ahaan Dowladda Hirshabeelle. Waxaad aflaxdeen idinkoo agabkiinna idiin dhammeystiran yahay.”ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ku dhawaad 300 askari oo maanta tababarka loosoo afmeeray inay dhowraan sharafka iyo karaamada shacabka Hirshabeelle.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here