Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa galabta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiyo Soomaaliya Danjire Pier Mario Dacco Coppi.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray in dib loo soo celiyo maalgashiga iyo iskaashiga Dowladda Talyaaniga ay ka sameyn jirtay magaalooyinka Hirshabeelle oo ay ugu horeyso caasimada.
Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inay dhawaan booqan doonaan deegaanada Dowladda Hirshabeelle.
“Waan ka mahadcelinayaa xiriirka taariikhiga ee aad la leedihiin Soomaaliya iyo taageeradiina Hirshabeelle.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa boogaadiyay kaalinta Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya.
