Madaxweynaha Jubaland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha Golaha Wasiirada

0
102

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Jubaland, kaasi oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo saameyn ku leh bulshada iyo maamulka.

Qodobada laga dooday kulanka waxaa kamid ahaa:

• Xaaladda amniga ee Jubaland, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

• Horumarinta Garoonka Diyaaradaha ee Dhoobleey, si kor loogu qaado isku socodka iyo xiriirka gudaha iyo dibadda.

• Ka faa’iidaysiga qashinka si loogu beddelo tamar nadiif ah, iyadoo la eegayo fursadaha horumarineed ee deegaanka.

• Xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyo sida Jubaland uga qeyb qaadaneyso arrimaha federaalka iyo wadahadalada siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay Wasiirada in ay dardar geliyaan shaqooyinka hortooda yaalla, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Jubaland loo adeego si hufan iyo mas’uuliyad leh.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here