Madaxweynaha Cameroon Paul Biya oo 91 jir ah ayaa markii ugu horeysay lagu arkay meel fagaare ah kadib muddo lix todobaad ah oo la hadal hayay xaaladiisa caafimaad oo liidata.
Ka maqnaanshihiisa indhaha bulshada ayaa keentay in ay soo shaac baxaan warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ku saabsan dhimashadiisa.
Laakin galabnimadii isniinta taleefishinka qaranka ayaa soo bandhigay muuqaalka madaxweynaha oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Yaoundé, isagoo ka duulaya Switzerland.
Dawladdu waxay ka mamnuucday warbaahinta inay ka hadlaan caafimaadka Biya – oo xukunka haya tan iyo 1982 – iyada oo sheegay in ay sidaas u samaynayaan arrimo la xiriira amniga qaranka.
Warar xan ah oo ku saabsan geeridiisa ayaa marba soo baxay baxayay labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Sawirada la baahiyey Isniintii ayaa muujinaya madaxweynaha oo ku labisan dharkiisa caadiga ah oo hagaasan, ee ah labiska muxaafidka, isla markaana u muuqday mid xooggan.
Markii ugu dambaysay ee Biya la arko waxay ahayd 8-dii Sebtembar oo uu ka qayb galayay shir-madaxeedka Shiinaha iyo Afrika ee Beijing.
