“Madaxda Soomaaliyeed oo Ka Wada Hadlay Amniga, Doorashada & Midnimada Qaranka”

0
59

Muqdisho | Maajo 7, 2025 – Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelinaysa wajiga koowaad ee Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo ay kasoo qayb-galeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada qaar, iyadoo shirku si gaar ah diiradda u saarayo xaaladda amni, doorashooyinka iyo wadajirka siyaasadeed ee dalka.

Isha shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba waxay si dhow ugu fiirsanayaan qodobada ka soo baxay shirkan muhiimka ah. Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in madaxda ka qaybgalaysa shirku ay gaareen is-afgaradyo dhowr ah oo taabanaya mustaqbalka siyaasadeed iyo amniga dalka.

Gunaanadka shirkaan hordhaca ah ayaa la saadaalinayaa inuu ka koobnaado qodobbada hoos ku xusan:

• In la xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, si dalka looga ciribtiro argagixisada khatarta ku ah nabadda iyo horumarka.

• In la bogaadiyo dadaalka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee haatan ka socda magaalada Muqdisho, iyada oo la ballanqaaday in geeddi-socodkan laga hirgelin doono dhamaan dowlad-goboleedyada dalka si siman.

• Ka-qaybgalka maamulka SSC-Khaatumo ee shirkan heerka qaran ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo ku saabsan dib u heshiisiinta iyo wadajirka siyaasadeed ee dalka.

• Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen taageerada joogtada ah ee beesha caalamka, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan garab istaagga Soomaaliya.

• Ugu dambeyntii, madaxda ayaa isku raacay in mar kale la isugu yimaado kulan kale oo lagu sii ambaqaadi doono ajandayaasha muhiimka ah ee laga dooday shirkan.

Shirkan oo ah mid ay si weyn u daneynayaan shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha caalamiga ah ayaa u muuqda mid horseedi kara isbeddel muuqda oo lagu gaari karo nabad waarta iyo doorashooyin loo dhan yahay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here