Macawislayda Hiiraan: Awoodda Dhabta ah ee Difaacaysa Shacabka iyo Dalka

0
139
{"tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"capability_name":"retouch_edit_tool","picture_template_id":"","source_type":"vicut","client_key":"aw889s25wozf8s7e"}","pictureId":"D949C553-42ED-4449-A694-BA50D276F648","editType":"image_edit","source_type":"vicut","exportType":"image_export","data":{}}

Iyadoo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab uu galay wajigiisii ugu adkaa, waxaa marag ma doonta ah in Macawislayda Hiiraan ay yihiin awoodda dhabta ah ee si joogto ah ugala hortimid cadowga shacabka Soomaaliyeed. Waxay maanta noqdeen rag aan hurdada galin, ilaa ay xaqiijiyaan in deegaanka Hiiraan uu ka xoroobo kooxaha argagixisada.

Kooxda Al-Shabaab si buuxda ayay u fahamsan tahay halista iyo dhabar-adeyga Macawislayda Hiiraan. Taa darteed, waxay xooggoodii ugu weyn ku ururiyeen gobolka Hiiraan, iyagoo isku dayaya inay ka hortagaan kacdoonka shacabka hubeysan ee ka dhacay halkaas.

Labo Qodob oo Muhiim u ah Mustaqbalka Macawislayda Hiiraan

Iyadoo ay muuqato guusha iyo dhabar-adeyga Macawislayda, waxaa lagama maarmaan ah in la qaado laba tallaabo oo muhiim ah, si loo dhiso hannaan rasmi ah oo ay ku shaqeeyaan loona sugo taariikhda ay sameeyeen:

1. Magac Rasmi ah oo Loo Bixiyo Kooxda iyo Dagaalkooda:

Waa in kooxda Macawisleyda Hiiraan loo bixiyo magac rasmi ah oo u dhigma halganka ay wadaan. Magacaasi ha noqdo mid ka tarjumaya ujeeddadooda, geesinimadooda, iyo kaalinta ay kaga jiraan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Magacaas wuxuu noqon karaa astaan qaran iyo dhiirrigelin jiilasha dambe ah.

2. Afhayeen Rasmi ah oo u Hadla Macawislayda:

Waxaa lagama maarmaan ah in la magacaabo afhayeen rasmi ah oo ka warbixiya dhaq-dhaqaaqa Macawislayda Hiiraan. Afhayeenkaasi waa inuu noqdaa nin ku sugan goobaha dagaalka, xog-ogaal u ah xaqiiqada dhabta ah, isla markaana leh awood hadal, dulqaad, iyo hufnaan saxaafadeed. Waa in uu ka fogaadaa buunbuunin iyo been abuur, oo uu mar walba bulshada siiyo xog la hubo.

Macawislayda Hiiraan waa astaan u taagan halganka shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada. Waxaa muhiim ah in la dhiso qaab rasmi ah oo ay ku shaqeeyaan, lana xoojiyo isku xirka ay la leeyihiin saxaafadda, bulshada iyo dowladda.

RNN Somali TV waxay mar walba garab taagan tahay shacabka halganka ku jira, waxayna sii wadaysaa baahinta wararka rasmiga ah iyo taageerada macluumaad ee la xiriirta difaaca dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here