Maamulka Gobolka Banaadir oo Bilaabay Howlgal Degdeg ah oo Lagu Dayactirayo Waddooyinka iyo Bilicda Muqdisho Kadib Roobabkii Da’ay

0
56

Muqdisho, 12 May 2025 — Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa bilaabay olole xooggan oo dib loogu soo celinayo bilicda caasimadda, looguna furayo waddooyinka muhiimka ah, kaddib roobabkii culus ee dhawaan ka da’ay magaalada Muqdisho kuwaas oo saameeyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo isu socodka bulshada.

Howlwadeennada Waaxyaha Howlaha Guud, Nadaafadda iyo Bilicda, oo si dhow ula shaqeynaya maamulka degmooyinka gobolka, ayaa si guul leh uga shaqeeyay daad-qaadista biyihii roobka ee fariistay waddooyinka waaweyn. Waxaa sidoo kale dib loo soo celiyay nadaafadda iyo quruxda waddooyinka si loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Dhanka kale, waxaa si xowli ah u socda qorshe lagu dhammeystirayo shaqooyinka ka haray ee la xiriira hagaajinta bilicda iyo nadaafadda waddooyinka, iyadoo waddooyinkii burburka soo gaaray lagu wado dib-u-dhis iyo dayactir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa carabka ku adkeeyay in dadaalladan ay ka mid yihiin qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo kaabayaasha muhiimka ah ee magaalada, si shacabka caasimaddu u helaan adeegyo nololeed oo hufan, isla markaana loogu abuuro deegaan nadiif ah oo ammaan iyo bilic leh.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here