Laba ruux oo ku geeriyooday shil aad u xun oo ka dhacay deegaanada Somaliland

0
46

azWarar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil sababay khasaaro dhimasho ah oo maanta ka dhacay koontaroolka Bari ee magaalada Gibiley ee deegaanada Somaliland.

Shilka ayaa waxa uu yimid kaddib markii ay isku dhaceen Gaari ku xamuulka qaada iyo mid kuwa raaxada ah, waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen labo ruux oo kala ahaa darawelkii iyo gabar la socotay.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa durbo waxaa gaaray ciidamada Booliska Somaliland iyo ciidanka dab damiska, waxa ay meydka labada ruux ka soo saareen gaariga Vitiz-ka ee burburay.

Meydka labada ruux ayaa la geeyay isbitaalka guud ee Gibiley, sida ay inoo sheegeen dad goob jogayaal ah.

Geesta kale Booliska ayaa qabtay darawelkii  gaariga xamuulka ee shilka galay, iyago oo geeyay saldhigga Booliska magaalada Gibiley si su’aalo loo weydiiyo.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here