Kenya oo Joojisay Cuntadii Lacag-la’aanta ahayd ee Ciidanka KDF, una Beddeshay Nidaamka “Bixi Inta Aad Cunto” (PAYE)

0
69

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in laga bilaabo Talaadada, 1-da Luulyo 2025, la joojinayo qadadii lacag-la’aanta ahayd ee ay heli jireen Saraakiisha Ciidamada Difaaca Kenya (KDF), iyadoo lagu beddelay nidaam cusub oo ah in askartu ay bixiyaan kharashka cuntadooda sida ku cad nidaamka “Bixi Inta Aad Cunto” (Pay-As-You-Eat – PAYE).

Go’aankan ayaa qeyb ka ah isbeddel ballaaran oo dowladda Kenya ay ku samaynayso barnaamijyadii cuntada bilaashka ahaa iyo kabidda mushaaraadka ee la siin jiray ciidamada, iyadoo lagu sababeeyay baahida loo qabo in la xakameeyo kharashaadka dowladda iyo kor loo qaado hufnaanta adeegyada gudaha milateriga.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Kenya, nidaamka cusub ee PAYE ayaa siinaya ciidamada xorriyad dheeraad ah oo ay ku doortaan nooca iyo tayada cuntada ay rabaan, balse isla markaana ay iska bixin doonaan qiimaha ay cuntooyinkaas ku kacayaan.

Tallaabadan ayaa dhalisay dareen is khilaafsan, iyadoo qaar kamid ah saraakiisha KDF ay muujiyeen walaac ku saabsan saameynta ay arrintan ku yeelan karto noloshooda maalinlaha ah iyo daryeelka guud ee ciidamada, halka madaxda dowladda ay ku andacoonayaan in nidaamkani uu yahay mid cadaalad ah oo waafaqsan nidaamyada caalamiga ah ee ciidan.

Go’aanka ayaa imaanaya xilli Kenya ay wajahayo culeysyo dhaqaale oo sii kordhaya, iyadoo miisaaniyadda qaranka lagu wado in dib loo habeeyo si loo yareeyo deynta gudaha iyo dibadda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here