Kenya oo Dishay Labo Dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo Qorsheynayay Weerar Wayn

0
61

Ciidamada la dagaallanka argagixisada ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay hawlgal gaar ah oo habeenimadii xalay ka dhacay deegaanka Mandera, xilli ay qorsheynayeen weerar ballaaran oo lala beegsan lahaa shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala waddada Alungu-Elwak.

Bayaan kasoo baxay hay’adaha sirdoonka Kenya ayaa lagu sheegay in hawlgalkan uu ku saleysnaa xog sirdoon oo la helay, islamarkaana lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno Al-Shabaab ah oo qorshahoodu ahaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaasi.

Hawlgalka ayaa sababay isku dhacyo culus, waxaana halkaasi lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka kuwa kalena ay si daran u dhaawacmeen kahor inta aysan u cararin kaymaha ku dhow halka uu hawlgalku ka dhacay, iyadoo ciidamadu ay sii raaceen raadkooda.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay labo qori oo AK-47 ah, hal qoriga RPG ah, iyo miino nooca dhulka lagu aaso ah (IED), taasoo muujinaysa in hawlgalku uu ka hortagay weerar weyn oo lagu beegsan lahaa shacabka deegaanka ku safra.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here