Maxkamad ku taalla magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shan sano oo xabsi ah ku xukuntay Ibrahim Cabdikhaadir, oo horey usoo noqday Wasiir ku-xigeen ka tirsan maamulka deegaanka. Xukunka ayaa daba socday dacwad ka dhan ah comment uu kusoo qoray baraha bulshada, gaar ahaan Facebook, kaas oo lagu eedeeyay inuu yahay mid ka dhan ah siyaasadda maamulka.
Ibrahim Cabdikhaadir ayaa lagu helay dambi ah “faafinta warar ama aragtiyo khatar gelin kara ammaanka deegaanka”, sida ay sheegtay maxkamadda, inkastoo ehelkiisa iyo dad u dhow ay ku tilmaameen xukunka mid siyaasadaysan oo caburinaya xorriyadda hadalka.
Sidoo kale, wararka la helayo ayaa muujinaya in ay jiraan rag kale oo xabsiga ku jira, kuwaas oo ah xukun-sugayaal weli aan la xukumin, balse loo haysto qoraallo iyo comments ay ku daabaceen Facebook, kuwaas oo la sheegay inay muujiyeen aragtiyo siyaasadeed ama dhaliil u jeedinaya hoggaanka deegaanka.
Kiiskan ayaa si weyn u taabanaya arrimaha la xiriira xoriyadda hadalka, xuquuqda muwaadiniinta, iyo saameynta ay baraha bulshada ku yeesheen siyaasadda deegaanka, iyadoo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay horey uga digeen in xorriyadda ra’yiga lagu cabburiyo xukun maxkamadeed.
RNN Somali TV ayaa sii wadaya dabagalka arrintan iyo dadka kale ee su’aalaha laga qabo xabsiyada deegaanka Soomaalida.
