Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Caasimadda Muqdisho

0
49

Muqdisho – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta si rasmi ah ugu yimid caasimadda Muqdisho, iyadoo loo sameeyay soo dhoweyn heer sare ah oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin sare, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Soo dhoweynta ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana halkaasi laga muujiyay taageero iyo qadarin weyn oo loo hayo doorka SSC-Khaatumo ee ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo nabad ku soo dabaalidda gobollada waqooyi ee dalka.

Booqashada hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa la filayaa inay kor u qaaddo xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulkaasi iyo dowladda federaalka, iyadoo la filayo kulammo uu la yeelan doono madaxda sare ee dalka.

RNN Somali TV ayaa si dhow u dabagalaysa socdaalkan iyo waxyaabaha ka soo kordha.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here