Hantidhowrka Guud ee dowladda Soomaaliya oo looga yeeray maxkamadda gobolka Banaadir

0
36

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u yeertay Hantidhowraha Qaranka oo lagu Eedeyey inuu doonayey in sameyn ku yeesho go,aanada garsoorka iyo faragelin ku sameeyey galalka maxkamadda.

Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud, ayaa lagu amray in Axmed Ciise Guutaale oo ku eedeysan qodobada 254, 257 iyo 267 XCS, uu horyimaado maxkamadda Axada 16-ka Feberaayo 2025, si wax looga weydiiyo eedaha uu u soo jeediyey Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

“Wuxuu ku kacay Axmed Ciise Guutaale, faldambiyeedyo ay ka mid yihiin fulin la,aan iyo is hor istaag go,aanka maxakmadda iyo in uu diiday bixinta kharashaadka socodsiinta howlaha maxkamadaha iyo diwaangelinta heshiisyada ay maxkamadda la galeen, taasina ay sababtay in ay istaagto shaqadii maalinlaha ee maxkamadda”. Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maxkamadda.

Sidoo kale qoraalka maxkamadda ayaa lagu sheegay in haddii uu soo xaadiri waayo hanti dhowraha maxkamadda waqtiga loo qabtay, ay maxkamadda qaadi doonto tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka u yaalla.

475770734_952058323780629_126875784528891219_n-283x300 Hantidhowrka Guud ee dowladda Soomaaliya oo looga yeeray maxkamadda gobolka Banaadir478466865_952058397113955_1477602973213122035_n-283x300 Hantidhowrka Guud ee dowladda Soomaaliya oo looga yeeray maxkamadda gobolka Banaadir

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here