Guddoonka golaha wakiilada Puntland oo qaabilay xubno katirsan Baarlamaanka golaha Shacabka

0
61

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirizaaq Axmed, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad, Mudane Maxamed Maxamuud iyo xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiillada Puntland, ayaa maanta si rasmi ah u qaabilay xubno ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay kormeer ku soo mareen qaybaha kala duwan ee Aqalka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Kormeerkani wuxuu ku saabsanaa in Xubnaha labada Aqal ee BJFS si dhow ugu kuurgalaan shaqooyinka Golaha Wakiillads DPL iyo habraacyada maamul ee xafiisyada kala duwan.

Wafdiga Baarlamaanka JFS ayaa kormeerkooda ku bilaabay Xafiiska Guddoonka Golaha Wakiillada, halkaas oo ay ka war heleen qaab-dhismeedka iyo istaraatiijiyada shaqo ee xafiiska. Sidoo kale, waxay soo booqdeen Xafiisyada Hawl-wadeennada iyo hoolalka shirarka ee Guddiyada, Martida iyo Hoolka weyn ee Golaha.

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mudnaanta la siinayo hirgelinta iyo dardargelinta iskaashiga ku saleysan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Madaxda labada dhinac waxay ka wada hadli doonaan inta ay ku sugan yihiin Garoowe muhiimadda ay leedahay in xiriirka Dawladnimo lagu saleeyo qiyamka wadajirka, horumarka, iyo ilaalinta mas’uuliyadda wadaagga ah ee u dhexeysa Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

Kulanku wuxuu diiradda saarayay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta mustaqbalka, taas oo muhiim u ah dhisidda xiriir waara oo daahfuran, kor u qaadidda adeegyada bulshada, xoojinta amniga, iyo dardargelinta qorsheyaasha horumarineed ee Puntland iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here