Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Dib Ugu Soo Laabtay Dalka Kadib Ka Qeybgalka Shirweynaha Baarlamaanada Carabta

0
56

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar shaqo oo uu ku tagay caasimadda dalka Algeria, Algiers.

Guddoomiyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa halkaas kaga qeybgalay shirweynihii Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Wadamada Carabta, kaas oo diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga sharci-dejinta, horumarinta xiriirka dalalka Carabta iyo doorka baarlamaanadu ku leeyihiin xasilloonida gobolka.

Markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaa si diirran u soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada wafdiga.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Algeria ayaa la sheegay inuu muhiimad weyn u lahaa kor u qaadidda xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Carabta, gaar ahaan dhanka sharci-dejinta iyo iskaashiga baarlamaanada.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here