Guddoomiyaha Mandera oo Tacsi u diray Qoysaska ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii Murutho

0
93

Mandera – Guddoomiyaha Ismaamulka Mandera, Mudane Mohamed Adan Khalif, ayaa caawa farrin tacsi ah u diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerar hubeysan oo xalay ka dhacay deegaanka Murutho, ee ka tirsan degmada Banisa.

Guddoomiyaha ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah oo dhaawacaya dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, isagoo si qiiro leh u sheegay in uu si weyn uga xun yahay falkii foosha xumaa ee lagu beegsaday dad rayid ah.

“Waa dhacdo murugo leh oo si toos ah u saameyneysa nabadgelyada gobolka,” ayuu yiri guddoomiyaha, isagoo intaasi ku daray in uu berito booqan doono deegaanka Murutho si uu ula kulmo dadka deegaanka, islamarkaana ay u yeeshaan wadatashi lagu xalinayo khilaafaadka soo noqnoqday ee halkaasi ka dhacaya.

Barasaabka ayaa sidoo kale ku booriyay bulshada deegaanka in ay muujiyaan deganaansho iyo isku duubni, si looga fogaado in xaaladdu kasii darto. Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in la helo nabad waarta oo ku saleysan wada-tashi, is-ixtiraam iyo cadaalad.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here