Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe oo u dhoofay dalka Ingiriisa + ujeedka

0
66

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi Xildhibaano ah uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay maanta Magaaladda London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Safarka shaqo ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe uu ku tagayo magaalada London ayaa timid kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Dowladda Ingiriiska.

Sikastaba Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa muddooyinkii dambe waxa ay safaradiisa uu ugu baxayo dalka dibadiisa waxa ay noqdeen kuwa badan, waxaana u dambeeyay kii dhowan uu ku tagay dalka Imaaraatka carabta,lamina oga waxa ay inta badan safaradiisa daaran yihiin,sidoo kale markii uu dalka ku soo laabto kama warbixiyo waxa uu ku soo dhammaada kulamadii uu la soo qaatay wadankii uu tagay.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here