Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ballanqaaday Dib-u-dhiska Hoolka Shirarka Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira

0
106

Qaahira, Masar – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa qaaday tallaabo muuqata oo lagu taageerayo danaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, isagoo ballanqaaday in si degdeg ah dib loo dhisi doono hoolka shirarka ee Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira.

Intii uu ku sugnaa Safaaradda, Guddoomiye Amiir waxa si diirran u soo dhoweeyay Danjire Cali Cabdi Awaare iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan safaaradda. Kulanka dhex maray labada dhinac ayaa lagu guddoonsiiyay Guddoomiyaha warqad qiimeyn ah oo muujinaysa kharashka ku baxaya dayactirka iyo dib u dhiska hoolka shirarka ee gudaha safaaradda.

Guddoomiyaha ayaa muujiyay sida uu uga go’an yahay in safaaraddu yeelato goob rasmi ah oo casri ah oo loogu talagalay shirarka, kulamada iyo marti-qaadyada diblomaasiyadeed, maadaama Masar ay tahay dal muhiim u ah xiriirka Soomaaliya ee caalamka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo iskaashiga siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu si dhaw ula shaqeyn doono dowladda Federaalka iyo hay’adaha ay khusayso si lacagta loo helo loona bilaabo dhismaha sida ugu dhaqsaha badan.

Tallaabadan ayaa lagu micneeyay inay qeyb ka tahay dadaallada uu Guddoomiyaha ku doonayo in uu kor ugu qaado isku xirka gobolka Banaadir iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo muuqaalka diblomaasiyadda Soomaaliyeed ee caalamka.

RNN Somali TV ayaa si dhow ula socon doonta horumarka mashruucan, gaar ahaan jadwalka dhismaha iyo cidda taageeraysa dhaqaalaha ku baxaya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here