Guddoomiyaha G/Banaadir oo Warbixin Kasoo Saaray Xaaladda Roobka: Gargaar Degdeg ah iyo Qorshe Dib-u-dhis

0
89
{"exportType":"image_export","editType":"image_edit","data":{},"pictureId":"7BAC96C5-8F21-4483-81DD-E8BA72947566","source_type":"vicut","tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"capability_name":"retouch_edit_tool","source_type":"vicut","picture_template_id":"","client_key":"aw889s25wozf8s7e"}"}

Muqdisho, May 10, 2025 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa goordhow warbaahinta la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda degdegga ah ee ka dhalatay roobabkii mahiigaanka ahaa ee xalay ka da’ay caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Guddoomiye Amiir ayaa sheegay in maamulka gobolka uu si degdeg ah uga falceliyay xaaladda, isagoo xusay in la qaaday tallaabo kasta oo suuragal ah si loo yareeyo saameynta roobka.

“Roobabka mahiigaanka ah ee Xamar iyo agagaarkeeda ka da’ay waxaan xaaladaha ka dhashay ka qaadnay tallaabo kasta oo suuragal ah. Goordhow waxaan soo saari doonaa warbixin rasmi ah oo ku saabsan saameynta roobka, waxaana sidoo kale gargaar degdeg ah gaarsiin doonnaa dadkii ku waxyeelloobay roobka iyo daadadka ka dhashay,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Wuxuu sidoo kale xusay in howlo culus laga wado maareynta biyaha, iyadoo la adeegsanayo matoorro tuura biyaha iyo booyado ka dhaamisa meelaha biyuhu fadhiisteen, si loo yareeyo halista caafimaad iyo midda amni ee ka dhalan karta biyaha haray.

“Waxaan wali howl adag ka wadnaa maareynta saameynta roobka, anaga oo diyaarinay Matoorro tuura biyaha iyo Booyado ka dhuuqa meelaha ay biyuhu fadhiisteen,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka ayaa ka hadlay burburka waddooyinka, isagoo sheegay in si degdeg ah dib loo dhisi doono jidadka uu roobku burburiyay. Wuxuuna shirkadihii horey u dhisay wadooyinka ku amray inay dib u dhisaan laamiyo ka tayo wanaagsan kuwii hore.

“Waxaa degdeg loo dhisi doonaa jidadka ay daadadka roobka burburiyeen, waxaana fareynaa shirkadihii waddooyinkaasi horey u dhisay iney markale dib u dhisaan laamiyo ka taya wanaagsan kuwii burburay,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.

RNN Somali TV waxay sii wadeysaa dabagalka xaaladda roobabka, waxaana lagu wadaa in maamulka gobolka uu soo saaro warbixin dhammeystiran saacadaha soo socda.

La soco wararkeena si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here