Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Heshiis Milatari oo Dhexmaray Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya

0
73

Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana kulankaasi guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad oo dhanka milatariga iyo amniga ah oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaas oo uu golaha horgeeyay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid kor u qaadaya iskaashiga labada dal ee dhanka amniga iyo horumarinta awoodda ciidanka, si gaar ah kuwa milatariga Soomaaliya. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Soomaaliya ku jirto dagaal adag oo ay kula jirto kooxaha Khawaarijta, iyadoo taageero caalami ah ay muhiim u tahay guulaha la gaarsiiyo.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixino muhiim ah oo ay kamid yihiin:

• Xaaladda guud ee amniga dalka iyo horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

• Warbixin la xiriirta diyaar-garowga Xajka ee sanadkan.

• Warbixin laga dhageystay guddiga taakuleynta dagaalka, kuwaas oo bixiyay faahfaahin ku saabsan taageerada iyo waxqabadka ka socda furimaha dagaalka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wada dadaallada ku aaddan xoojinta amniga, iskaashi caalami ah iyo garab istaagga ciidamada qalabka sida si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo dowladnimo xooggan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here