Fahad Yaasiin oo Eedeyn Culus u Jeediyay Cabdikariim Qalbi-Dhagax

0
137

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, agaasimihii hore ee hay’adda NISA iyo la-taliyihii Amniga Qaranka xilligii Madaxweyne Farmaajo, ayaa si kulul u weeraray hoggaamiyaha jabhadda ONLF, Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax), isagoo ku eedeeyay in marar badan loo adeegsaday burburinta jabhaddaas.

Fahad oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa, ayaa sheegay in Qalbi-Dhagax ay hore u adeegsadeen hay’ado shisheeye oo kala duwan si loo wiiqo siyaasiyiin Soomaaliyeed, loogana shaqeeyo danaha ajnabiya.

“DORRAAD: Sirdoonkii Tigreega iyo shaqaalahooda ayaa u adeegsaday in lagu dumiyo sumcadda Maamulkii Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Fahad, isagoo intaas ku daray in isla Qalbi-Dhagax uu qeyb ka noqday olole lagu dhaawacayay magaca dowladdaas.

“SHALAY: Qolo kale ayaa usoo adeegsatay si loogu dhaawaco ololaha doorashada Musharax Xasan Khayre ee maalmihii doorashadii madaxtinnimada ee 15-ka May 2022.”

“MAANTA: Nasiib darro, mar saddexaad baa haddana loo adeegsanayaa in lagu burburiyo Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya. NACAS, NACFI LEH.”

Fahad Yaasiin ayaa si gaar ah ugu tilmaamay Qalbi-Dhagax “nacas nacfi leh”, isagoo ku eedeeyay inuu yahay shaqsi la adeegsan karo markasta oo loo baahdo in la burburiyo dadaal waddani ah.

Waxa uu sidoo kale soo jeediyay in haddii lala xisaabtamayo ama la dhaliilayo jabhadda ONLF, in la keeno miiska wada-hadalka halkii laga wiiqi lahaa midnimadooda iyada oo loo marayo dadka ka tirsan.

Qoraalka Fahad Yaasiin ayaa si weyn u baahay baraha bulshada, waxaana uu kusoo beegmayaa xilli uu dib u soo ifbaxayo khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan doorka jabhadda ONLF iyo hannaanka ay uga dhex muuqato siyaasadda guud ee gobolka Geeska Afrika.

Cabdikariim Qalbi-Dhagax weli kama uusan jawaabin eedeymaha tooska ah ee uu Fahad u jeediyay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here