Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo Loo Doortay Guddoomiyaha iyo Musharraxa Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)

0
22

Muqdisho, 13 May 2025 – Shirweynaha 1aad ee Ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si rasmi ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ugu doortay Guddoomiyaha Ururka, iyadoo sidoo kalena loo ansixiyay inuu noqdo musharraxa rasmiga ah ee ururka u matalaya doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Doorashadan oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ahayd mid muujinaysa dhismaha iyo koboca ururada siyaasadeed ee dalka, iyadoo Madaxweynaha hadda talada haya uu si toos ah uga qeybgalayo hannaanka urur siyaasadeed ah, taasoo muujinaysa isbeddelka siyaasadda Soomaaliya ee dhinaca xisbiyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa aqbalaadda xilka ku sheegay in JSP uu noqon doono urur horseeda caddaaladda, midnimada iyo dib u dhiska qaran Soomaaliyeed oo nabad ah, isla markaana u taagan danaha shacabka.

Shirweynahan taariikhiga ah ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Ururka, iyadoo loo arko bilow cusub oo muhim ah oo ku saabsan xoojinta nidaamka dimuqraadiyadda xisbiyada ee Soomaaliya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here