Dowladda oo digniin u dirtay Kalluumeysatada iyo dadka taga Badda

0
44

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buulagga ee Soomaaliya, ayaa digniino loogu diray Kalluumeysatada Soomaaliyeed iyo dadka dabaasha u taga Badda

Wasaaradda ayaa shaacisay in xiligaan ay Badda kacsan tahay, isla markaana ay khatar ku noqon karto Kalluumeysatada iyo dad dabaasha u taga.

Sidoo kale wasaaradda ayaa uga digtay in doomaha yar yar aysan badda gali Karin xilgaan, maadama ay kacsan tahay.

“ Shacabka Soomaaliyeed waa in ay ka fogaadaan xeebaha sida dabaacasha ama socodka agagaar xeebaha si aysan khatar ugala kulmin muujadaha Badda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Ugu dambeyn wasaaradda ayaa ku tilmaamtay  in xaaladda badda ay khatar gelin karto  doomaha kalluumeysatada iyo shacabka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here