Dowladda federaalka oo shaaciyay in 70 dagaalame oo katirsan AS lagu dilay dagaalkii…

0
40

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay khasaaraha kooxda Al-shabaab lagu gaarsiiyay dagaalkii 48 saac lee lasoo dhaafay ka socday degaanada xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya, ayaa hambalyo iyo bogaadin loogu diray ciidamada xoogga dalka iyo Macawiisleyda gobolka Hiiraan, oo jab xooggan gaarsiiyay kooxda Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday deegaanada ku yaalla xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Kooxaha Khawaarijta ayaa looga dilay dagaalkaas in ka badan 70 canaasirtooda ah, waxaana sidoo kale halkaas looga furtay hub farabadan. Waa jabkii labaad oo muddo laba todobaad dhexdood ku dhacay Kooxda Khawaarijta”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya.

Dhanka kale qoraal kasoo baxay  wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay jibiyeen Al-shabaab isku daygii ay ku dooganayeen in ay isku ballaariyaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxa ayna hadda ku baacsanayaan deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here