Dhacdo Naxdin leh: Muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhex-gubtay booyad shidaal waday dalka Zambia

0
48

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday dalka Zambia, taasi oo ah in muwaadin soomaaliyeed oo darewal ka ahaa mid kamid ah Booyadaha qaada shidaalka uu shil ku dhintay.

ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in muwaadinta soomaaliyeed uu ku dhex gubtay Booyada shidaalka siday ee uu waday, waxaana lagu magaabi jiray Cabdirisaaq gorod.

Muqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gaariga Booyada ee gubanaya waxaana dadka gaaray goobta u suura geliweysay in ay soo bad-baadiyaan muwaadika soomaaliyeed ee ku dhex-gubanayay gaariga.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Zambia, ayaa dhacdaasi aad uga naxay waxa ayna shegeen in falka uusan aheyn midkii ugu horeeyay ee dhaca, iyada oo todobaadyo ka hor muwaadinta Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Axmed Cagafta, uu sidaas oo kale ugu dhex-gubtay booyadii shidaalka waday ee uu darewalka ka ahaa.

 

nin-258x300 Dhacdo Naxdin leh: Muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhex-gubtay booyad shidaal waday dalka Zambia
Sawirka Cabdirizaaq ee dhintay

shilka-287x300 Dhacdo Naxdin leh: Muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhex-gubtay booyad shidaal waday dalka Zambia

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here