DEGDEG: Dowladda Federaalka oo Wadda Qorshe Lagu Dhisayo Maamul Kale oo Jubaland ah, Garoonka Doolow oo Dib Loo Furay

0
79

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowday qorshe culus oo lagu dhisayo maamul kale oo la mid ah kan Kismaayo, kaddib markii si rasmi ah loo oggolaaday in dib loo furo duulimaadyadii tagi jiray Garoonka Diyaaradaha ee degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Go’aankan ayaa cabsi xooggan ku abuuray Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, iyadoo wararku sheegayaan in ciidamo iyo siyaasiyiin badan ay qorsheynayaan safarro ku wajahan Doolow si ay uga qeyb qaataan dhismaha maamul cusub ama geeddi-socod doorasho.

Musharraxiin u taagan xilka Madaxweynaha Jubaland ayaa RNN Somali TV u sheegay in haddii doorasho laga qabto Doolow oo ka tirsan Jubaland, taasi ay ka dhigan tahay in Axmed Madoobe laga takhalusayo si rasmi ah.

Axmed Madoobe oo muddo ku dhow 15 sano aan ka bixin magaalada Kismaayo ayaa haatan wajahaya xaalad adag. Sida ay falanqeeyayaashu sheegayaan, dowladda dhexe waxay doonaysaa in Jubaland aysan ku koobanayn Kismaayo oo keliya, halkaasna aysan noqon xarunta keliya ee awoodda maamulku ka taliyo.

Waxaa muuqata in magaalada Doolow laga dhisayo saldhig cusub oo siyaasadeed, taasoo si weyn u dhabar-jabin karta maamulkii Axmed Madoobe.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here