DEGDEG: Diiwaan Gelinta Codbixiyeyaasha Doorashada Qof iyo Cod oo Ka Bilaabatay Jowhar

0
85

Waxaa maanta si rasmi ah looga daah-furay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashada qof iyo cod.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa si rasmi ah u daah-furay howlgalka diiwaan gelinta, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo doorashooyin hal qof iyo hal cod ah oo ka dhaca gudaha Hirshabelle.

Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabelle, guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, saraakiil amni, ururada bulshada rayidka ah iyo shacabka deegaanka oo si weyn u soo dhoweeyay bilowga geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in diiwaan gelintani ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ku saleysan rabitaanka shacabka, isaga oo ugu baaqay shacabka reer Hirshabelle in ay si firfircoon uga qeyb qaataan.

Hirgelinta doorashada qof iyo cod ayaa ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay ee qorshaha dowladda federaalka ee xilligan, iyadoo Jowhar ay noqoneyso mid ka mid ah magaalooyinka ugu horreeya ee howshan laga bilaabo.

RNN Somali TV ayaa si joogto ah idiinku soo gudbin doonta wararka ku saabsan horumarka diiwaan gelinta iyo doorashooyinka dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here