Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HSNQ) ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, isla markaana noqonaya Madaxa Guud ee Hay’adaha Amniga ee Gobolka Gedo.
Magacaabistan ayaa timid iyadoo ay socdaan dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo isku-xirka hay’adaha amniga ee Jubbaland, iyadoo diiradda la saarayo:
• Kordhinta amniga gobolka Gedo
• Xoojinta la-dagaallanka kooxaha khawaarijta
• Sugidda xasilloonida Jubbaland iyo guud ahaan dalka
Cabdirashiid Janan, oo horey u soo qabtay xilal kala duwan oo amni iyo siyaasadeed, ayaa la filayaa in uu door muuqda ka qaato hawlgalada amni ee ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.
Warar dheeraad ah kala soco RNN Somali TV.