Site icon rnnsomalitv

DEGDEG: Cabdirashiid Janan oo loo magacaabay Taliyaha Sirdoonka Jubbaland iyo Madaxa Amniga Gedo

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HSNQ) ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, isla markaana noqonaya Madaxa Guud ee Hay’adaha Amniga ee Gobolka Gedo.

Magacaabistan ayaa timid iyadoo ay socdaan dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo isku-xirka hay’adaha amniga ee Jubbaland, iyadoo diiradda la saarayo:

• Kordhinta amniga gobolka Gedo

• Xoojinta la-dagaallanka kooxaha khawaarijta

• Sugidda xasilloonida Jubbaland iyo guud ahaan dalka

Cabdirashiid Janan, oo horey u soo qabtay xilal kala duwan oo amni iyo siyaasadeed, ayaa la filayaa in uu door muuqda ka qaato hawlgalada amni ee ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.

Warar dheeraad ah kala soco RNN Somali TV.

Exit mobile version