DEG DEG: Heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo burburay

0
63

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay RNN Somali TV ayaa xaqiijinaya in uu burburay heshiiskii Ankara ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Itoobiya. Burburka heshiiskan ayaa yimid kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay labo maalmood ka hor heshiis istiraatiji ah la saxiixatay Dowladda Masar, taasoo keentay xiisad diblomaasiyadeed oo cirka isku shareertay.

Xogaha la helay waxay muujinayaan in Itoobiya ay hadda ku wajahan tahay qorshe cusub oo ah in ay heshiisyo si gaar ah ula gasho madaxda maamul goboleedyada dalka, gaar ahaan kuwa ay xiriir dhow la leedahay, iyadoo si toos ah uga leexanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya. Haddii arrintani rumoowdo, waxay noqonaysaa jab weyn oo ku yimaada madax-bannaanida qaranka Soomaaliya, waxayna Itoobiya si cad u jabinaysaa mabaadi’da dastuurka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Arrinta hadda taagan waxay abuureysaa su’aal siyaasadeed oo culus: Muxuu qorshuhu yahay Madaxweyne Xasan Sheekh haddii Itoobiya ay heshiis badeed la gasho maamul goboleedyada, taasoo ah mid si toos ah u xadgudubta qaranimada Soomaaliya?

Waa xaalad u baahan feejignaan, mideyn siyaasadeed, iyo jawaab cad oo dowladeed, maadaama qaybaha kala duwan ee dalka lagu hayo cadaadis dibadda ah oo mid kasta laga doonayo inuu gooni ula saxiixdo heshiisyo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka guud ee dalka.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socotaa arrintan waxayna dhowaan la wadaagi doontaa shacabka warbixin rasmi ah oo dhamaystiran marka faahfaahin dheeri ah ay soo baxdo.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here