Daraasad: Dhuusada aad ku sameyso hortiisa lamaanehaaga waxay astaan u noqon kartaa xiriir jaceyl oo xooggan oo waara

Daraasad xiiso leh oo lagu daabacay majalado cilmiyeed ayaa daaha ka qaaday in dadka si dabiici ah isugu raaxeysta oo aysan is qarin marka ay dhuusaan (fart) hortiisa lammaanahooda, ay badanaa leeyihiin xiriir jaceyl oo adag, kalgacayl dhisan, iyo faham is-afgarad oo qoto dheer.

Cilmi-baarayaasha ayaa sheegaya in marka aad lammaanahaaga hortiisa si aan is xishood lahayn ugu muujiso dhaqan dabiici ah sida dhuusada, ay taasi tusinayso heerka kalsoonida iyo raaxada aad isugu qabtaan.

Qodobbada muhiimka ah ee daraasadda:

• Lammaanaha is-dhuusan kara hortiisa waa kuwa isku kalsoon oo aan ka cabsan xukunka midka kale.

• Dhaqankaas “caadiga ah” wuxuu dhisaa xidhiidh aan ku dhisneyn mas-mask iyo iska yeelyeel.

• Inta badan xiriirrada noocaas ah waa kuwo muddo dheer jira, sababtoo ah lamaane kasta wuu aqbalay dabeecadda dhabta ah ee kan kale.

Inkastoo arrintani ay dadka qaar uga muuqan karto qosol ama yaab, cilmi ahaan waxay tilmaamaysaa muhiimadda daacadnimada, raaxada maskaxeed, iyo is-qabashada aan xishood lahayn oo xiriirka ka dhigo mid qaan-gaaray.

Gunaanad: Haddii aad tahay qof aan ka xishoon lammaanahaaga xitaa marka ay timaado waxyaabo dabiici ah sida dhuusada, waxaa laga yaabaa in xiriirka aad ku jirto yahay mid adag oo waara.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *