Dagaalo dhaliyay khasaar kala duwan oo ka dhacay gobollada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe

0
34

Waxaa sii kordhaya tirade dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab looga dilay dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan.

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed, ayaa warbixiyay khasaaraha ka dhashay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen deegaano ku yaalla xadka ay wagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka ayaa sheegay in Shabaabka weerarka soo qaaday jab xooggan lagu gaarsiiyay, isla markaana looga dilay  horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda Al-shabaab.

”Howlgalkaas wuxuu ahaa mid qorsheysan, cadowga Khawaarijta ayaa waxay isku dayeen inay weerar ku qaadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka, waxaana ka hortegay ciidamada xaq u dirirka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka oo kooxdu gaarsiiyay jab aad u weyn, maanta waxaan xaqiijineynaa in meydad soddomeeyo ah loogu tegay keymaha deegaannada lagu dagaalamay  oo laga dilay Khawaarijta, horayna labaatameyo ayaa looga dilay, waxaanna marka la isku daro khasaaraha Khawaarijta shalay iyo maanta gaareeb 50 meeyo meydadka Khawaarijta ah” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Abuukar.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here