Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

0
21

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro geystay  oo deegaanka Cadaal-laxeey ku dhex maray  ciidamada xoogga dalka iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar ku soo qadeen fariisimo ay ciidanka dowladda ku lee yihiin deegaanka Cadaan-laxeey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana dagaalkaasi la sheegay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerarka, waxaana la sheegay in dagaal qaraar kaddib ay ciidanka u suura gashay in ay jabiyaan dagaalayanadii Shabaab ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga ayaa sheegay in dagaalka khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab,  inkastoo faah-faahinta rasmiga ah intaa ka badan aysan bixin.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here