“Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed oo Fariisimo Khawaarij Ka Burburiyay Bay”

0
60

BAY, SOMALIA – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad, oo garabsanaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin dhowr ah oo hoostaga deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay.

Howlgalkan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu burburiyay fariisimo ay kooxda Khawaarijtu ku lahaayeen deegaannadaasi, kuwaas oo looga shakisan yahay inay ku saldhigan jireen weerarro iyo falal amni darro.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalku uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah, si looga xoreeyo deegaanada weli ay kaga sugan yihiin gobolka Bay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here