Ciidanka Xoogga Dalka oo 25 Ka Tirsan Al-Shabaab Ku Dilay Hawlgal Ka Dhacay Shabeellaha Hoose

0
86

Muqdisho, 08 Juun, 2025 – Guutada Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan ka fulisay tuulada Gaalware, oo ku taalla 4km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkaas waxaa lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxaana ku jiray saddex horjooge oo sar sare oo ka tirsanaa kooxdaas Khawaarijta ah.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay Al-Shabaab isticmaaleen, kuwaas oo ay ka mid yihiin lix qori oo PKM ah, labo RPG (dabajeex), iyo toddoba iyo toban AK-47. Intaa waxaa dheer in lagu burburiyay dhagartii iyo qorshayaashii ay maleegayeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay markasta ka go’an tahay in la ciribtiro kooxda Al-Shabaab, lana sugo amniga guud ee dalka, iyadoo si dhow ula shaqeyneysa Ciidanka Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here