Ciidanka Macawiisleey oo u dhaqaaqay xureeynta deegaanka Alkowsar

0
51

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in ciidamo badan oo kuwa deegaanka ee Macawiisley ay ku wajahan yihiin deegaanka Alkowsar ee gobolkaas.

Ciidamadan ayaa waxa uu qorshahoodu yahay in deegaanka Alkowsar ay ka xureeyaan Al-shabaab oo hadda gacanta ku haya.

Saraakiil kamid ah ciidanka Macawiisley, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ciidanka deegaanka ay  Al-shabaab ka xureeyaan deegaanka Alkowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanka Alkowsar, waxaa marar badan ka dhacay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana deegaankan uu kamid yahay deegaanka muhiim u ah ciidamada dowladda.

Dhinaca kale waxaa xalay deegaanka Alkowsar laga fuliyay duqeyn diyaaradeed oo khasaaro lagu gaarsiiyay Al-shabaab, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan  in goob ay ku shirayeen horjogayaal iyo dagaalamayaal katirsan Al-shabaab duqeynta lagu beegsaday ayna sababtay dhimasho iyo dhaawac, wallow aan la ogeyn tirade rasmiga ah ee waxyeelada gaartay Shabaab.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here