Ciidamada amniga degmada Baardheere oo toogtay nin doonyay inuu dil geysto

0
54

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa howlgal ciidanka ammaanka ee degmada Baardheere  ay xalay ku dileen in la sheegay inuu katirsanaa kooxda Al-shabaab, oo doonayay in gudaha magaalada uu dil ka geysto.

Ninka ayaa la sheegay iuu ku hubeysnaa Bastoolad, waxaana is rasaaseeyn dhex martay asiga iyo ciidanka amniga ay markii dambe sababtay in ciidanku ay toogtaan Ninkii hubeysnaa.

Sidoo kale israsaaseeynta waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo shacab ah kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitaal ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Taliyaha amniga degmada Baardheere Axmed Cabdullaahi, ayaa sheegay in shaqsi katirsanaa  Al-shabaab ay sii hayeen xogtiisa, waxa uuna intaas hadalkiisa ku daray in dhagar qabaha katirsana Shabaab oo rabay in dad shacab ah oo Afurayay uu dhibaato u geysto, balse ay ciidamada amniga ka hortageen ayna toogteen.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in ciidamada amniga degmada Baardheere, ay diyaar u yihiin ka hortaga khataraha Al-shabaab la damacsan yihiin shacabka ku nool magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here