Booliska Soomaaliya oo soo saaray awaamiir culus oo ku socota Shaqaalaha Ajaanibta ah iyo Shirkadaha…

0
58

Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan, ayuu ku faah faahiyay amarka kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliya ee ku socda shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa sheegay in xogo la helay in ay muujinayaan “ Argagixisda” in ay shirkadda dhex marsadaan lacagaha  ay doonayeen, waxa uuna tilmaamay in wixii 10ka bishan Feberaayo lagu amray in ganacsatada iyo shaqaalaha Ajaanibta ah in ay qataan warqada dambi la,aanta ah ee waaxda dambi u qaabilsan ee C.I.D.

Sidoo kale waxa carabka ku adkeeyay in marka la gaaro 10ka bishan oo uu dhaqangalayo amarkan, lagula xisaabtami doono cid walbo oo aan fulin amarkan ama u marti sifo sharci darro ah sida uu hadalka u dhigay Afhayeen Booliska Soomaaliya Cabdifitaax.

“Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Ajaanibta ah waa in ay qaataan warqada dambi la,aanta ee C.ID, sidoo kale waxaa in ganacsatada iyo shirkadaha ay qaataan warqadaas,   Warqadaas waxa ay cadeyneysa in ganacsigaas ama Shirkadaas aysan ku lug laheyeen kuna jirin maalgelinta Argagixisada. Waxaan helnay xogo muujinaya in kooxaha Khawaarijta  lacagihii laga xayiray ay dhex marsayaan  shirkado iyo Ururo” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Gaashaanle Cabdifitaax.

Sidoo kale Gaashaanle Cabdifitaax ,  ayaa sheegay in diiwaangelinta laga doonayo Shirkadaha amniga ee gaarka loo lee yahay, Ururada aan dowliga aheyn, Shirkadaha isgaarsiinta ah, kuwa dhimasha, Hoteellad, Duulimaadyada, Caafimaadka, Guryaha Kireeya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here