Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameyeen xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ku soo qabteen rag xaday xoolo.
Howlgalka lagu qabtay ragaan ayaa waxa ay ciidamada ka sameyeen degmada Wadajir ee gobolka banaadir, waxaana la sheegay in ay ahayeen shakad ku Eedeysan xatooyo dadweyne, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska qeybta Booliska gobolka Banaadir.
Sidoo kale taliska ayaa sheegay in ragaan ay xadeen xoolo nool, gaar ahaan Ari,isla markaana dhowr jeer ay sidaan oo kale sameyeen.
“Ciidanka boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan saldhigga boliiska Wadajir ayaaa soo xiray saddex eedeysane oo kamid ah shakabad ah ku eedeysan xatooyo xoolo dad weyne oo ka mid yihiin xoolaha nool gaar ahaan Ariga” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska qeybta guud ee Banaadir.
