Biriq ku dhacday Caabud-waaq oo sababtay geeri iyo dhaawac

0
31

Caabud-waaq – Wararka naga soo gaaraya degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in hal haweeney ay geeriyootay, halka labo qof oo kale ay ku dhaawacmeen kadib markii biriq ku dhacday bartamaha magaalada maanta oo Isniin ah.

Biriqdan ayaa dhacday iyadoo roob mahiigaan ah uu ka da’ayey degmada iyo deegaannada ku xeeran tan iyo subaxnimadii hore ilaa galabta.

Labada qof ee dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa xarumaha caafimaad ee degmada Caabud-waaq, halkaas oo lagu sheegay in dhaawacyadoodu yihiin kuwa la tacaali karo.

Mas’uuliyiinta deegaanka iyo bahda caafimaadka ayaa bulshada ugu baaqay in ay taxadar muujiyaan inta lagu jiro roobabka, gaar ahaan marka uu cirka dumo, si looga fogaado khataro kale oo la mid ah tan dhacday.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here