Bashar al-Assad oo faahfaahin ka bixiyay qaabakii uu uga soo baxay Suuuriya

0
116

Barta ay madaxtooyada Suuriya ku leedahay Telegram-ka ayaa la soo dhigay qoraal loo aaneynayo ama la sheegay inuu yahay mid ka yimid Bashaar Al-Asad.

Sida lagu sheegay bayaanka la sheegay inuu ka yimid madaxweynahii Suuriya ee la afgambiyey, Assad ayaa sheegay in ka bixitaankiisa Suuriya aanu ahayn mid qorshaysanaa, isagoo xusay inuu dalkaas ku sugnaa ilaa saacadihii hore ee Axadda, December 8, 2024.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Assad uu markii hore u baxay Latakia isagoo kaashanaya Ruushka oo ay xulufo yihiin, isagoo xusay in subaxnimadii Axadda markii uu gaaray saldhigga ciidamada cirka ee Hmeimim ay caddaatay in “ciidankayaga ay gebi ahaanba isaga baxeen dhammaan jiidaha hore ee dagaalka, iyo in ciidamadii ugu dambeeyay la jabiyay.”

Bayaanka ayaa xusay in Assad uusan marnaba ka fikirin waqti kasta inta lagu guda jiray xaaladdaasi is-casilaad ama magangelyo-doon, laakiin qorshihiisu ahaa in uu sii wado dagaalka ka dhanka ah “weerarada argagixisada.”

Bayaanka la sheegay inuu ka yimid madaxweynaha la afgambiyey ee Suuriya Bashaar Al-asad ayaa lagu bidhaammiyay in tan iyo maalintii ugu horraysay ee dagaalka, “Al-Asad waxa uu diiday in uu ka tanaasulo badbaadinta dalkiisa isaga oo ku beddelanaya dano gaar ah ama dadkiisa oo uu ku beddesho dalabyo u imanayay”.

Warku waxa uu intaa ku daray in sanadihii la soo dhaafay uu Al-Asad ku sugnaa dalka Suuriya isaga iyo qoyskiisa oo ay garab taagan yihiin shacabka, iyagoo wajahaya argagixisada duqeymo iyo hanjabaado isdaba joog ah oo ahaa inay gudaha u soo galayaan caasimadda dalkaasi 14-kii sano ee dagaaladu socdeen

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here