Bannaanbax Rabshado Wata oo Looga Soo Horjeedo Xadhiga Taliye Faysal Cabdi Bootaan ka Socda Magaalada Burco

0
71
{"pictureId":"59C862A3-ED3D-4DFC-826C-671343C61108","exportType":"image_export","editType":"image_edit","data":{},"source_type":"vicut","tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"source_type":"vicut","client_key":"aw889s25wozf8s7e","capability_name":"retouch_edit_tool","picture_template_id":""}"}

Magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa maanta martigelisay bannaanbax ballaaran oo rabshado wata, kaasi oo ay dhigayaan dad careysan oo ka soo horjeeda xadhiga Taliye Faysal Cabdi Bootaan. Taliyaha ayaa muddooyinkii dambe ku xiran xabsiyada maamulka SSC-Khaatumo, taasoo dhalisay dareen xooggan oo ku aaddan arrintaasi.

Bannaanbaxa ayaa sababay jahwareer guud oo magaalada ah, iyadoo la arkayay dadka mudaharaadaya oo xiray wadooyinka, gubayay taayarro, isla markaana ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah xadhiga Faysal Bootaan. Dadka isu soo baxay ayaa dalbanayay in si degdeg ah loo sii daayo taliyaha, iyaga oo ku eedeeyay maamulka SSC-Khaatumo in uu si sharci darro ah u hayo.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayeen kala furfuridda dadweynaha mudaharaadaya, waxaana halkaasi ka dhacay gacan-ka-hadal iyo dhaawacyo kooban oo la soo sheegay. Xaaladda magaalada ayaa haatan kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in ay rabshaduhu sii daba dheeraadaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in culimada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta deegaanka ay ku howlan yihiin sidii loo xallin lahaa xiisadda, waxaana la filayaa in war rasmi ah laga soo saaro arrintaasi saacadaha soo socda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here