Agaasimihii Dalxiiska Degmada Deyniile oo lagu dilay Muqdisho

0
145

Habeenkii xalay koox hubeysan ayaa weerar ku dishay Agaasimihii Dalxiiska ee Degmada Deyniile, marxuum Cabdalla Sheekh Ibraahim Jiisow, kaasoo lagu toogtay xaafadda Cali Boolay, gaar ahaan agagaarka Masjidka Macallin Cismaan ee degmada Deyniile, gobolka Banaadir.

Qoyskiisa ayaa xaqiijiyay in uu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray, isagoo lagu dabiibayay Isbitaalka Digfeer halkaasoo loo qaaday xilli uu dhaawac culus qabay.

Kooxdii dilka geysatay ayaa sidoo kale la sheegay inay ka qaateen marxuumka bastoolad uu watay iyo taleefankiisa gacanta.

Ciidamada ammaanka iyo booliska oo gaaray goobta dilka ayaa bilaabay baaritaan, hase yeeshee ilaa hadda lama soo qaban dadkii falkaasi geestay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here