Taliye Asad Diyaano oo la kulmay wefdi sare oo ka socday dowladda Masar

0
140

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday Dalka Masar.

Kulanka gaar ah oo Taliyaha iyo Masuuliyiintu yeesheen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka amniga, horumarinta xirfadaha saraakiisha Boliiska iyo iskaashiga labada dal.

Sidoo kale kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga hadleen sare u qaadista tababarrada iyo la dagaallanka Dambiyada lasiinayo ciidanka Booliska Soomaaliya si  uga uga hortagaan dambiyada, waxaana madaxda ka socotay dowladda Masar ay sheegeen in ay sii wadi doonaan taageerada Dawladda Masar ay siiso Boliiska Soomaaliya.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here