Bayaan kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) ayaa lagu sheegay in 15 xildhibaan oo katirsan golaha shacabka loo fasaxay ka qeyb galka fadhiyada guud ee kalfadhiga 6-aad ee golaha shacabka.
Bayaanka ayaa kasoo ayaa lagu sheegay in Xildhibaannadan hore looga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada guud ee golaha ka dib dhacdadii golaha ka dhacday 27-kii bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay.
“waxa uuna xildhibaanadda kula dardaarmay ilaalinta dastuurka Qaranka, xeer hoosaadka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed”. ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay guddoomiyaha.