Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa goordhow la wareegay deegaanka Dabayoodle oo dhaca galbeedka degmada Buulo-barde, ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada huwanta ah oo iskaashanaya ayaa dagaal kooban kadib Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Dabayoodle oo 25KM u jira degmada Buulo-burde oo in muddo ah ay kooxda Al-shabaab gacanta ku hayee.
Guddoomiyaha degmada Buulo-barde, Xasan Maxamed Cabdi, oo qeyb ka ahaa howlgalka, ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdii Al-shabaab, laga saaray deegaanka, isla markaana hadda ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.
Dagaalka maanta ka dhacay galbeedka Buulobarde ayaa ah mid muhiim u ah howlgalka ka socda bariga magaalada, iyadoo beesha Baadicadde ay markan qaadatay taladii Taliyaha Sirdoonka Qaranka ee dib u xoreynta.