Golaha Wasiirrada oo soo saaray go,aan ka dhan Axmed Madoobe

0
78

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodi caadiga ahaa  ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawishta Jubbaland.

Kulanka ayaa ugu horeeyn lagu cambaareeyay weerarka ay ciidanka Jubbaland ku qadeen iyo la wagreegida Deegaanka Raaskambooni.

Wasiir ku–xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-cadaala oo faah faahin ka bixi kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in golaha ay Axmed Madoobe ku eedeyeen inuu xiriir la sameeyay Kooxda Shabaab,isla markaana ciidamo badan oo ka yimid dhinaca gobollada kale ay soo dhex-mareen deegaannada ay heystaan Kooxda Shabaab.

Sidoo kale Al-cadaala waxa uu sheegay in golaha wasiirrada ay magacaabeen guddiga xaqiiq raadin ah oo soo baara sida ay wax uga dhaceen deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, falkii uu ku weeraray deegaanka Raaskambooni oo ay ka dhalan doonto isla-xisaabtan iyo ciqaab” ayaa lagu yiri Wasiir Al-cadaala.

Waxa uu tilmaamay Wasiir ku-xigeenka warfaafinta inay soo baxday tuhunkii laga qabay Axmed Madoobe inuu xiriir iyo wadashaqeyn la lee yahay kooxda al-shabaab.

Sikastaba, go,aanada kasoo baxay kulanka golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili shalay dagaal khasaaro badan dhaliyay uu ka dhacay Deegaanka Raaskambooni kaasi oo ugu dambeyn sababay in ciidanka dowladda laga qabsaday Magaalada, kaddib markii dagaalka looga adkaaday waxaana hadda ku sugan ciidanka Maamulka Jubbaland.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here