Muxuu kala hadlay Taliyaha Booliska Soomaaliya Asad Diyaano Taliyaha Ciidanka Haramcad ?

0
59

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi Ayaa kormeeray xerada taliska ciidanka Haramcad ee Gen Farxaan Qaroole, isagoo warbixin ku saabsan sida ay u socoto howsha ay dalka u hayaan ka dhageystay taliyaha Haramcad Gaashaanle Dhexe Fanax.

Taliye Asad ayaa kula dardaarmay ciidanka inay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidanka, masuuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxaha Khawaarijta ah ee caadeysatay daadinta dhiigga shacabka Soonaaliyeed.

Ciidamadan uu kormeeray taliyaha ayaa ah Kuwa Si Gaar ah u tababaran waxeyna ka qayb qaataan Sugidda amniga magaalada Muqdisho, ka Hortagga falalka gurracan ee Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed, isagoo taliyaha ku dhiira geliyay iney shaqada ay qaranka u hayaan halkaasi kasii wadaan.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here