Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

0
65

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan.

Danjiraha dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya, wuxuuna Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay ansixinta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale ansixinta miisaaniyadda qaranka ee 2025, oo uu shalay meel mariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

Dhinaca kale Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisa ay soo dhoweyneyso dimaqraadiyadda iyo qorshaha dowladda Soomaaliya ay wado ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa safiirka ku bogaadiyay taageeradda dhinacyada kala duwan leh oo ay dowladda Ingiriiska la garab taagantahay Soomaaliya.

Dhinaca kale kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay horumaro la taaban karo ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka dalka looga ciribtirayo Kooxaha Daacish iyo ‘AS’.

FB_IMG_1730808158828-300x200 Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

FB_IMG_1730808165443-300x200 Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

FB_IMG_1730808169059-300x200 Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here